daajis.com:- Xafladda casho sharafta ah ayaa ,waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud,Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Dhado,Duqa Boosaaso Eng Yaasiin Mire,saraakiisha DF & Puntland iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed oo casumaada casha sharafta fidiyey ayaa sheegay in uu kusoo dhaweynayo Puntland isla markaana farxad u tahay in Ciidanka Boolisku tayo yeesho.
Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa kula dardaarmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo wafdigiisa ee soo gaaray Puntland iney midnimada iyo isu socodka la Joogteeyo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in uu si weyn uga mahadcelinayo sida sharafta leh ee loogu sameeyey casha sharafta iyo weliba soo dhaweynta Puntland.
Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tilmaamay in soo dhaweyn fiican kala kulmeen Dowlad iyo shacaba reer Puntland sidaas si lamid ahna ay ballan qaadayaan iney uga soo baxaan abaalka loo galay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Cabdirisaaq Afgaduud ayaa isna dhankiisa xusay in imaatinka Taliyaha ay sharaf u tahay ciidanka Booliska Puntland ,waxaana uu Taliyaha u sheegay in uu yimid dalkiisa u yimid shacabkiisii soo booqday Ciidankiisa Booliska Puntland.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhado” iyo Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan ayaa dhankooda sheegay in ay soo dhaweynayaan Taliyaha iyo wafdigiisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at