Shirkii Wadatashiga oo Maanta si Rasmi ah uga Furmay Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Shirkii Wadatashiga oo Maanta si Rasmi ah uga Furmay Magaalada Muqdisho (VIDEO)

daajis.com:-  Waxaa maanta Magalada casimadda ah ee Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirkii wada tahsiga ee hiigsiga sanadka 2016ka, kaasoo ay ka qayb galayaan Madaxada Dalaka ugu sareysa sida Madaxweynaha Ra’iisulwasaraha iyo Gudoonka Garalamanaka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ee Dalka ka jira sida, Maamulka Puntland,Galmudug,Koofur galbeed iyo Jubbaland.

Mas´uuliyiin matlayay gobolada Hiraan Shabelaha Dhexe, ururda bulshada rayidka iyo Madax kale oo ka socota Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale ayaa qeyb ka ah Shrikaasi.

Waxaan Shirka inta uu socdo looga tashan doonaa habka ama nooca uu noqon doono doorashada lagu wado in dalka soomaaliya ay ka dhacdo sanadka 2016-ka.

Madaxweynaha Dowladda Fedraalka ee Soomaaliya mudane, Xasan Sheikh Maxamuud oo si rasmi ah u furay Shirka wada tashiga ayaa sheegay in ay u dhan yihiin Dadka Soomaliyeed loona bahayan yahay in qaybta ugu weyn diirada lagu saaro oo looga wada tashado aayaha Dalkeena.

shirkii-467

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxa uu sidoo kale tilmaamay in Dalka oo lagu qabto doorasho ay ugu danbeysay waqti fog, balse hada waxa uu xusay in rajo weyn uu ka qabo in ay dhaci doonto doorsho ay ku wada qanacsanaan doonaan dhammaan umadda Soomaaliyeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada