Topnews: Gaadiid u rarnaa waraasada arrimaha gudaha oo Muqdisho lagu dhex qafaashay

Topnews: Gaadiid u rarnaa waraasada arrimaha gudaha oo Muqdisho lagu dhex qafaashay

daajis.com:- Wararka aan ka heleyno dhanka Wasaarada arrimaha gudaha Somalia ayaa xaqiijinaaya in gaadiid u rarnaa Wasaarada lagu qafaashay gudaha Magaalada Muqdisho.

Gaadiidkaasi oo tirro ahaan la sheegay inay gaarayaan ilaa 3 gaari oo siday daawooyin iyo alaab kale lagu qafaashay gudaha Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Gaadiidkaasi ayaa xiligii la qafaalanaayay kusii jeeday Isbitaal Keysaney, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada mana cadda cida ka danbeysay qafaalashada gaadiidkaasi.

Wadayaasha gaadiidka ayaa bartamaha Degmada Kaaran looga dajiyay gaadiidkaasi iyadoona halkaasi ay ka kaxeysteen rag watay gaari nooca raaxada ah kuna hubeysnaa hubka fudfudud oo ay kamid yihiin A47 iyo qoryo kale.

Geesta kale, Laamaha amaanka DF Somalia ayaa ku jira raadista gaadiidkaasi, mana jiro wax haddal ah oo wali kasoo baxay Wasaarada arrimaha gudaha sababo la xiriira xaqiijinta halka lala aaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada