daajis.com:- Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilkii maanta Magaalada Muqdisho loogu geystay Dr.Liibaan Cismaan Cilmi iyo C/qaadir Yabaroow oo labada ka tirsanaa Shaqaalaha Dowladda Federalka Soomaaliya.
Dr.Liibaan Cismaan Cilmi ayaa waxaa adeer u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna Ururku ay sheegteen inay beegsadeen dhaqaatiirtani iyagoo marayay Degmada Wadajir.
Ururka Al Shabaabka ayaa ku faaney in guutadooda qaabilsan dilalka qnabadgelyo ahna ay uga baxsadeen goobtiiorsheysan ee Muqdisho ku sugan ay dilkaasi fuliyeen, ka dibna ay si nabad leh ay gu soo noqdeen xaruntii ay ka dhaqaaqeen.
Warka Al Shabaab ka soo baxay ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Dhaqtarka uu Dowladda Federalka u qaabilsanaa arimaha carabta, uuna ka howgali jiray xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:00 and have
, Published at