WARBIXIN ku aadan: Dalka Soomaaliya oo Wajaheya Halista Roobabka El Nino

WARBIXIN ku aadan: Dalka Soomaaliya oo Wajaheya Halista Roobabka El Nino

daajis.com:- Roobabka El Nino ayaa laga cabsi qabaa inay si weyn wax yeello u soo gaarsiiyaan Somalia inta u dhaxaysa October iyo December ee sanadkan.

Cabsi la qabo ayaa ah in roobabkan ay fataahaad dhaliyaan gaar ahaan gobollada ay maraan labada wabi ee Jubba iyo Shabeelle.

Isku tagga ururada aan dawliga ahayn ee Somalia ayaa maanta soo saaray war saxaafdeed ay kaga digeen in khasaaraha ka dhasha fatahaadaasi ay sii xumayn karto xaaladda nololeed ee dadka dhibaatadu haysato.

War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dad tiradooda lagu qiyaasay 500 ilaa iyo 900 oo kun oo ka mid ah dadka hareeraha wabiyada ku nool ay waxyeeladu saamayn karto.


Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in Elniinaha sanadkan uu la mid noqon karo kii ugu xumaa ee sanadahan dambe soo maray Somalia oo dhacay todoba iyo sagaashankii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada