daajis.com:- Garabka al-shabaab ee dhawaan ku biiray ururka Daacish, ayaa lagu soo waramayaa ineey isaga cararayaan bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, iyagoona u firxanaya dhanka Buuraha Gal-gala ee Puntland.
Dagaal-yahanadan, ayaa wuxuu culeys weyn uu kaga yimid Xoogaga Al Shabaab ee iyagu taabacsan Ururka Al Qaacidda, waxayna u baxsanayaan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.
Galgala waxaa ku sugan xoogag u daacad ah Sheekh C/qaadir Muumin oo hogaanka u haaya, garabkii Al Shabaab ee daba yaaqadii bishii October ku dhawaaqay, in ay si buuxdo ugu biireen Daacish.
Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaa ka dhacay hawlgalo si weyn looga soo horjeedo Saraakiishii iyo CIidamadii Al Shabaab, ee dadaalka ugu jiray, sidii uu Ururku ugu biiri lahaa Daacish.
Dhawr weerar oo ka dhacay Jubbooyinka, ayaa waxaa lagu dilay qaar ka mid ah dagaal-yahanadaasi, waxaana lagu soo xir xiray xubno ka tirsan Saraakiishii u ololeyneysay in lagu biiro Daacish.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at