Warar sheegaya in la xiray gudoomiyaha Gobolka hiiraan iyo sababta ka danbeysay xarigiisa oo la ogaaday

Warar sheegaya in la xiray gudoomiyaha Gobolka hiiraan iyo sababta ka danbeysay xarigiisa oo la ogaaday

daajis.com:- Wararka laga helaayo magaalada beledweyne ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Gobolkaasi C/fataax Xasan Afrax uu ku xiran yahay Saldhiga weyn ee Ciidamada Amisom.

Xariga gudoomiyaha ayaa lala xiriirinayaa ku lug lahaanshaha dilkii Sargaal ka tirsanaa Qaramada Midoobay gaar ahaan qeybta miina baarista kaasi oo horaantii asbuucaani ka dhacay magaalada Baladweyne.

Sargaalka ayaa waxaa dilay ilaalada gaarka ah ee Godoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Afrax.

C/fataax Xasan Afrax ayaa saacado badan ku xiran Xabsigaasi waxaana la soo sheegayaa in lagu hayo baaritaano lagu xaqiijinaayo xarigiisa.

Qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa lagu sameeyay hub ka dhigis, halka qaarna ay ka baxeen magaalada kuwaasi oo isku uruursanaayo deegaan duleedka ka ah magaalada baladweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa hada ku sugan gudi loo xilsaaray baaritaanka dilkaasi, waxaana gudiga kamid ah Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Daahir iyo masuuliyiin kale.

Xaalada ayaa ah mid cakiran waxaana Gobolkaasi laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ay wadaan Ciidamada gudoomiyaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada