Video: Taliyaha ciidanka xooga dalka oo ku dhowaaqay inuu magacii ka badalay Xeradii Tababarka Ciidanka ee Jaziira

Video: Taliyaha ciidanka xooga dalka oo ku dhowaaqay inuu magacii ka badalay Xeradii Tababarka Ciidanka ee Jaziira

daajis.com:- Taliyaha ciidanka XDS S/gaas Maxamed Aasan Axmed ayaa xarunta wasaaradda Gaashaandhigga kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka XDS kaasoo looga hadlay xaaladda ciidanka, iyo habka ay u socdaan howlgallada ciidamadu ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobollada dalka.


Kooxda fanaaniinta ciidanka XDS ee Horseed ayaa furitaanki kulanka ku soo bandhigtay suugaan qiira leh iyo riwaayad ka tarjumeysa waxqabadka ciidamada XDS, taasoo ay aad ugu riyaaqeen taliyaha iyo saraakiishi ka qeybgashay kulankaasi.

Taliyaha ciidanka XDS ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in dugsiga tababarka ciidamada Jasiira loogu magic daray Abaanduulihii hore ee ciidanka XDS Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan “Dhegabadan’ wuxuuna saraakiisha faray inta magaca dugsiga Jasiira lagu bedelay sidan “Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan”.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada