Ciidamada Nabad Sugida oo Dilay nin kamid ah amniyaadka Shabaab oo haweenay ganacsato ah ku dilay Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugida oo Dilay nin kamid ah amniyaadka Shabaab oo haweenay ganacsato ah ku dilay Muqdisho

daajis.com:- Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Dowlada Soomaaliya ayaa maanta gudaha Suuqa Bakaaraha waxa ay ku togteen nin dhalinyaro ah oo gudaha Suuqa Maanta ku dilay Haweeney la sheegay in ay ganacsato aheed.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in nin hubeesan gudaha Suuqa Bakaaraha uu ku dilay Gabar ganacsato aheed oo Magaceeda lagu sheegay Ubax Cali Dhubad, taa oo u geeriyootay rasaas madaxa looga dhuftay.

Ninkii dilka geestay ayaa durba isku dayay in uu goobta ka baxsado, waxaan Ninkaasi eryaday sida goobjoogayaal ku warameen Ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka oo iyagana toogaho ku dilay ninkii dilka geestay.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Gen. Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa la sheegay in uu dalacsiiyay askarigii maanta dilay ninka dilka u geestay Gabadha Ganacsatada aheed, waxaa sidoo kale iskariga la siiyay abaal marin kale.

Inta badan raga hubeesan ee dilalka ka geesta qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa baxsan jiray , waxaana dadka amaanka falanqeeya ay qabaan in ay yaraan lahaayeen dilalka dhaca hadii la qabto ama la dilo qofkii wax dila kahor inta uusan baxsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada