Cabdi kariim Dhego-badan oo shahiiday Isagoo la dagaalamaya arxanlaaweyaal

Cabdi kariim Dhego-badan oo shahiiday Isagoo la dagaalamaya arxanlaaweyaal

daajis.com:-Kooxda Alshabaab ayaa maalintii shalay weerar ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho oo ay degaan mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaadka muhiimka ah.


Dadkii hotelka ku jiray xilliga weerarku dhacay waxaa ka mid noqday Gen. C/kariin Dhega-badan oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo mid ka mida saraakiishii ugu caansaneyd ee hogaamiyay dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab oo dhowr jeer isku dayday inay khaarijiso.

Marxuum Jeneraal Dhega-badan wuxuu hore ugu caan baxay inuu af iyo adinba kula dagaalamo Alshabaab, taasoo uu kasbaday naceynka kooxdaasi iyo jaceylka shacabka intiisa kale. Waxayna tiisii timid shalay markii ay hotelkii uu deganaa ugu galeen.

Waxaa xusid mudan in Jeneraalkan aanu dhiman isagoo hurda, balse isla markii weerarku dhacay waxaa la xaqiijiyay inuu qorigiisa qaatay oo uu la dagaalamay dableydii Alshabaab oo Hotelka gudaha u gashay, wuxuuna shahiiday isagoo dagaal ku jira oo saacadii ugu danbeysay cimrigiisa ku dhameystay dagaalka kooxda Alshabaab ee uu hore ugu magac daray: “JID IYO JAHO DIID”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada