daajis.com:- R/wasaarahii Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, taliyihii hore ee sirdoonka qaranka iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan ayaa ka qeyb galay barnaamij gaar ah oo looga hadlayay weerarkii horaantii bishan ka dhacay hotel Saxafi.
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku dheeraaday ka hadlida dadkii taariiqda ku dhex lahaa Soomaaliya ee ku dhintay weerarkii ka dhacay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho oo ay badankood soo wada shaqeeyeen sida uu sheegay Farmaajo.
Dhinaca Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka hadlay weerarkii hotel Saxafi iyo qaabka loola dagaalamayo ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Hoos ka Daawo
Axmed Fiqi wuxuu sheegay in qaabka ama Istiraajiidiyada lagula dagaalamayo Alshabaab ay yihiin kuwo loo dajiyay ama lagu soo dijaabiyay dagaalada Iraq iyo Afganistan, balse dagalka Soomaaliya uu ka duwan yahay sidaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:00 and have
