Daawo:- Madaxweynaha oo Dalacsiiyay Ciidamo Ka Tirsan Qaybta Miino Baarista

Daawo:- Madaxweynaha oo Dalacsiiyay Ciidamo Ka Tirsan Qaybta Miino Baarista

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka ciidammada sida gaarka u tababaran oo ciidanka booliska u qaabilsan miino barista oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (Miino Baarka Booliska Soomaaliyeed MMB)

Munaasabadani ayaa maanta ka dhacdey xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.


Madaxweynaha xasan sheekh oo halkaasi salaan sharaf kaga qaatey cutubyo ka tirsan ciidammada booliska ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda, waxaa uu si weyn u ammaaney waxqabadka booliska iyo horumarka la taaban karo ee ay ka geysanayaan sugidda amniga shacabka iyo kan dalka guud ahaan.


Wuxuuna yiri:- “Xeradan iyo hawsha wanaagsan ee lagu soo bandhigay waxay daliil u tahay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso maalinba maalinta ka dambeysa. Xeeladaha iyo aqoonta aadka u sarreeya ee aad ina tusteen waxay wax weyn ka tari doonaan in la burburiyo kooxaha cadowga ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada Soomaaliya.”


Madaxweyne ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in hay’adaha dowladda ay shacabka u soo bandhigaan waxqabadkooda si ay u kasbadaan taageerada shacabka ee ku aaddan dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda ku soo gunaanaday hadal ay si weyn ugu farxeen Ciidammada Miino Baarista Booliska Soomaaliyeed iyo xubnaha la shaqeeya ee Ciidammada Dembi Baarista Booliska (CID) oo ahaa in min hal darajo la dalacsiiyay. Xubnaha Ciidammada Miino Baarka ee sida gaarka ugu qaabilsan eeyaha , ayaa iyagu waxaa la siiyey dalacaad min laba darajo ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada