Xisbiga UCID oo laba garab u kala jabay

Xisbiga UCID oo laba garab u kala jabay

daajis.com:- Madaxda xisbiga siyaasadda UCID ee Somaliland ayaa waxaa soo dhex-galay khilaaf cusub oo muujinaya in in xisbigu uu laba u kala jabay.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan sheegay in xisbigu uu doorasho gali doono. Sidoo kale murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa beeniyay in uu iska casilayo murashaxnimada xisbiga.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in murashaxii madaxweyne-xigeenka ee Xisbigooda ee is-casilay aanu ka aqbalin is-casilaaddaasi, ilaa imikana aanu iscasilaad rasmi ah u soo gudbin.

Jamaal Cali Xuseen oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sidoo kale ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe.


Jamaal ayaa ku eedeeyey Feysal Cali Waraabe inuu yahay caqabadda haysata xisbiga UCID.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada