Daawo:- Muuse Biixi oo ku guuleystay musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye

Daawo:- Muuse Biixi oo ku guuleystay musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye

daajis.com:- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye, Muuse Biixi ayaa loo doortay musharraxa Madaxweyne ee doorashada xisbigiisa kaddib doorasha ay qabteen golaha dhexe oo maanta ka dhacday Hargeysa.

Muuse Biixi waxaa uu helay 344 cod, iyadoo ay goobta shrika ku sugnaayeen 365 xubin oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Waxaa xubnaha ka qeybgalay doorashadan ka mid ahaa Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo oo sheegay in mar kale uu u istaagi doonin inuu u tartamo xilka Madaxweyne.

Ma jirin cid la tartantay Muuse Biixi, iyadoo musharrixiintii xisbiga ee kale ay qaadaceen doorashadani.

Madaxweyne kuxigeenbka waxaa ku guulaystay Cabdiraxman Cabdullahi Ismaaciil Seylici, oo helay 230 cod.

Waxaa uu ka guulaystay wasiirka caafimaadka Saleymaan Ciise Xaglatoosiye, oo helay 114.

Madaxweynaha Somaliland Maxamad Maxamuud Siilaanyo oo goobta joogay ayaa ku dhawaaqay inuusan tartamayn mar kale.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada