Mareeykanka oo malaayiin Dollar dul dhigay madaxda al-shabaab

Mareeykanka oo malaayiin Dollar dul dhigay madaxda al-shabaab

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa abaal marin lacageed ugu yaboohday cid kasta oo keenta akhbaar la xiriirta lix ka mid ah hoggaamiyayaasha kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab.

Mareykanka waxa ay lix milyan dul dhigeen madaxa hoggaamiyaha Al-Shabaab Abu Cubeydah, oo bishii September ee sanaddii tagtay noqday hoggaamiyaha Al-Shabaab, kadib markii Mareykanka ay dileen Axmed Cabdi Godane.

Sidoo kale, min shan milyan oo dollar ayey Mareykanka u ballan qaadeen ciddii keenta akhbaar la xiriirta madax kale oo sare oo Al-Shabaab ka tirsan kuwaasi oo kala ah; Mahad Karate, Macallin Daa’uud iyo Xasan Afgooye.

Dowladda Mareykanka waxa ay saddex milyan dul dhigeen madaxa Macallin Salmaan iyo Axmed Imam Cali, oo ka mid ah xubnaha sare ee Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa Al-Shabaab waxa ay u aqoonsadeen ururu argagxiso bishii February ee sanaddii 2008.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada