daajis.com:- Weeraryahanka kooxda FC Utrecht, Nacer Barazite una ciyaara xulka qaranka junyarka ee Holland ayaa iska diiday inuu gacan qaado gabadha wariyaha ah ee la yiraahdo Hélène Hendriks xili ay dhameysay wareysi ay kala yeeladay guul uu ku hoggaamiyay kooxdiisa oo 2-4 ku garaaceen kooxda kale ee FC Twente.
Ciyaaryahankan oo ku dhashay magaalada Arnhem, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Marroco, ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay qeybaha bulshada iyo rug cadayaasha ciyaaraha ka faalooda, waxayna ku tilmaameen tallaabadaasi in ay tahay mid xagjir ah.
nacer-basazite“Haddii uu u dhaqmo sidaasi, waa in ay qortaan ama iska qoraa ISIS” ayuu yiri tafaftiraha taliyihii hore ee majaladda kubada cagta ee Voetbal International.
Xiddigan ayaa gacmaha ka laabtay gacantii ay u soo taagtay Hélène Hendriks, waxayna markii danbe si dad badan ay ugu sheegtay in uu gacanta gelin waayay, waxayna garabkiisa ku dhufaday gacanteeda isagoo aan jecleysan.
Waxaa isna showgiisa ugu hadlay falkaani Johan Derksen, barnaamijkaasi oo ay ku tixan yihiin badi dadka ku nool dalka Holland, waxaana lagu cambaareeyay habka uu ula dhaqmay Nacer Barazeite gabadha wariyaha ah.
basaziteBaraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa dhacdadan, halka dadka Muslimiinta iyo qaar kale oo aan muslim aheyn kasoo horjeedaan hadalada lagu weeraray ciyaaryahankaan oo diintiisa u diiday gacan qaadka dumarka ajnabiga ka ah, waxayna ku tilmaameen in ay tahay cunsurinimo.
Laaking dad badan ayaa qaba in tallaabada Nacer Barazite aysan aheyn naceyb balse u hoggaansamay diintiisa, oo ka hor hor-istaagtay inuu gacan geliyo dumarka aan xigaalka la aheyn ama u bannaaneyn.
W/qoray: Cali Muxiyaddiin
Tifaftiraha Warfaafiye
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:30 and have


