daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa ayaa shalay galab ka amba baxay dalka Djibouti iyagoo ay garoonka ku sii sagootiyeen madax ka tirsan dowladda dalkaasi Jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Riyaad uu kaga qaybgalo shir Madaxeedkii 4-aad ee wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaala Koonfuurta America.
Shirkaasi oo looga hadli doono iskaashiga labada dhinac ayaa waxaa la fillayaa inay ka soo qaybgalaan 22 dal oo Jaamacadda Carabta ka tirsan iyo 12 dal oo ka socda Koonfuurta qaaradda America.
Halkan ka daawo Sawirada:FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:00 and have



