daajis.com:- Golaha ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2245, kaasi oo ku saabsan in xafiiskii taageerada Qaramada Midoobay ee (UNSOA), loo badalay Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, {United Nations Support Office for Somalia} (UNSOS).
Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso xafiiska cusub ee taageerada Qaramada Midoobay, iyadoona boogaadisay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Xukuumadda ay soo dhaweyneyso qaraarka lagu badalay xafiiskii hore, kaas oo hadda wixii ka danbeeya lagu badalay xafiiska cusub, kaasi oo uu sheegay in uu sii xoojin doono xiriirka hay’adaha dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay.
Xafiiska (UNSOA) oo markii hore la shaqeyn jiray Ciidamada AMISOM, ayaa haatan uu si toos ah ula shaqeyndoonaa hay’adaha dowladda Soomaaliya, waana taas tan keentay in magaca loo badalo ayuu yiri wasiirku.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have

