daajis.com:- Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu dalka Turkiga ka qayb galay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayay isaga iyo wafdigii la socday, waxaana kaloo xafladani lagu daah furaayay Hay’adda la magac baxday (Samadoon foundation) ee uu ex Madaxweyne Sheekh Shariif Aas aasay.
Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen Midowga Ardayda Soomaaliyed ee wax kabarata dalka Turkiga ayaa waxay ay ka dhacday caasimadda dalkaasi Turkiga ee Ankara.
Xafladani ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socday oo uu ugu horeeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Abdullaahi Maxamed Ali (Sanbaloolshe ) ıyo sidoo kale guddoomiyaha Hay’adda Samadoon Foundatıon Profosor Warfaaa.
Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay xafladda dhamaan shaqaalaha safaaradda, ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalooyinka kala duwan ee dalka Turkiga, jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool magaaladda Ankara iyo marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wafdi ka socdo xisbiga haya talada dalkaTurkiga ee AKP ee uu hogaamiye u yahay madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.
Xafladda oo si qurux badan u dhacday ayaa waxaa qudbado kala duwan ka jeediyay mas’uu liyiintii ka soo qayb gashay, iyadoo sidoo kale xafladda laga soo jeediyay gabayo ar ardayda soo diyaariyeen oo lagu bogaadiyay mudane Sheekh Shariif iyo wixii uu ka soo qabtay dalka Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:00 and have





