Daawo sawirada ninkii lahaa abaabulka Paris iyo kan bixiyay gaarigii lagu fuliyay oo la shaaciyey

Daawo sawirada ninkii lahaa abaabulka Paris iyo kan bixiyay gaarigii lagu fuliyay oo la shaaciyey

daajis.com:- Ninkaani oo magaciisa lagu sheegay Abdelhamid Abaaoud oo ah 29-jir, kuna dhashay dalka Biljumka ayaa la rumeysan yahay inuu lahaa abaabulka weeraradii gilgilay magaalada Paris ee dalka Farance.

Dowlada Farace waxa ay sheegtay in ninkaani uu ahaa isku dabaridaha koox ka koobneyd todobo oo habeenkii Jimcaha weeraray goobo dhowr ah oo magaalada Paris ku yaal.

Dowlada Farance waxa ay tilmaantay in Abdelhamid Abaaoud uu ku sugan dalka Suuriya oo uu u cararay bishii Janaayo ee sanadkan, waxaana ay dowladda fransiisku la xiriirisay dhow werar oo qaarkood dhicisoobeen kuwaas oo ka kala dhacay dalalka Biljumka iyo Fransiiska.

Goobaha lala damacsanaa weeraradaasi ayaa waxaa kamid ahaa kaniisada Yuhuuda oo ku taala magaalada Brussels iyo nin doonayay in uu isku qarxiyo tareen Fransiiska u socday kaas oo shacab isku duubeen ka hor inta uu is qarxin.

Dowlada Farance ayaa jahwareer ka qaaday weeraradaani, waxaana suuragal ah in wakhti waliba ay weeraradaasi usoo qabtaan shaqsiyaad aan ku lug laheyn.

Abdelhamid Abaaoud waa ninkii lahaa abaabulka weerarka dhacay




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada