daajis.com:- Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa si habsami leh uga socda shirka wada tashiga qaran ee looga tashanayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta marka la gaaro sanadka 2016.
Shirka oo ay kasoo qeybgaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada, Maamulka Gobolka, Odayaal dhaqmeed, Culumo, Aqoonyahaano iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Shirka ayaa waxa uu ka furmay Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho waxaana halkaasi Khudbado kala duwan ka jeediyay dhinac yadii shirka ka soo qeybgalay oo uu ugu horeeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Guddoomiyaha oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka aragtiyadooda ka dhiibtaan go’aanada la gaarayo mustaqbalka soo socda, waxaana uu xusay in talada shacabka ay tahay mid muhiim ah, ugu baaqay bulshada inay si qoto dheer uga doodaan aragtiyada la soo bandhigayo ee ah nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadka 2016.
Shirkan ayaa inta uu socda looga doodi doonaa habraaca doorashada sanadka 2016 iyo waxyaabaha la xulan doono dadka u tartamaya doonayana inay Xukunka dalka Qabtaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:49 and have

