daajis.com:- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliya Jeneraal Maxamed Aadan Axmed ayaa kulan la qaatay Safiirka Britain ee Soomaliya Harriett Mathew islamarkana ka wada hadlay Tageerada Ciidanka Xoogga dalka ay siiyan Dowlada ingiriirska
Safiiradda ayaa ballan-qaaday inay bixinayaan mushaaraadka ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qaybta 60-aad, iyadoona sidoo kale xustay inay ka qayb-qaadanayaan dib u dhiska xeryaha ciidamada si loo xoojiyo tayada iyo ciidamada.
Sidoo kale, Mathew ayaa ka hadashay dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee Hotel Saxafi, iyadoo tacsi u dirtay ehelladii dadkaas, kuwa dhaawacyadu kasoo gaareenna u rajeysay inay kasoo kabtaan.
Taliyaha ciidanka xogga dalka Somalia, Jen. Maxamed Aadan ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay safiirada iyo Britain taageerada ay siinayaan dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Somaila iyo dadaalladooda ku aaddan dib-u-dhiska Somalia.
“Waxaan safiirka isku af-garanay sidii ay Britain u xoojin lahayd taageerada ay ciidanka xoogga dalka Somalia siiyaan. Waxaan soo dhaweynayaa ballan-qaadka ay sameysay; inagoo rajeynaya in uu hirgeli doono xilliyada dhow ee soo socda,” ayuu yiri Jen. Maxamed Aadan.
Ugu dambeyn, taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tan iyo intii la magacaabay waday sidii dib u dhis xooggan loogu sameyn lahaa ciidanka Somalia iyo sidii loo heli lahaa xuquuqda ciidamadda qalabka sida
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:00 and have

