daajis.com:- Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigtay maydadka ragii ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ee weerarka ku soo qaaday Hotelka Saxaafi ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo gaaray goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in Geesiyaasha Ciidamada Nabad Sugidda ee Gaashaan ay ka hortageen una babacdhigeen Ciidamadii weerarka soo qaadey ee ka tirsanaa ururka Al Shabaab.
Ciidamadii ka tirsanaa Al Shabaab ee weerarka ku soo qaaday Hoteelka ayaa ku labisnaa dharka tuutaha ah ee ay leeyihiin Ciidamada dalka Burundi.
Al shabaab ayaa la sheegay inay dharkani ka biliqaysteen konteenar yaalay Fariisimihii Ciidamada Burundi ay ku lahaayeen Deegaanka Leego, halkaasoo dagaal xoogan kadib ay Ciidamo Shabaab katirsan ay la wareegeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:30 and have
