VIDEO:- Diyaaradii Ruushka ee ku Dhacday Saxaraha Dalka Masar oo la Baarayo Sababta

VIDEO:- Diyaaradii Ruushka ee ku Dhacday Saxaraha Dalka Masar oo la Baarayo Sababta

daajis.com:- Diyaaradan ayaa waxaa laheyd shirkadda Metrojet oo laga lee yahay dalka Ruushka, waxayna siday dalxiisayaal dalka Ruushka u dhashay, kuwaa oo gebi ahaantood ku dhintay shilkaasi.

Diyaaraddan ayaa ka kicitantay Garoonka Magaalada Sharm El Sheikh, waxayna ku wajahneyd Magaalada St. Petersburg ee Wadanka Ruushka, waxaana la socday dad tiradoodu lagu sheegay 224 ruux.



Diyaaradan ayaa wuxuu tirsigeedu ahaa 9268, iyadoo ku dhacday Bartamaha Saxaraha dalka Masar ee Sinai 30 daqiiqo ka dib markii ay ka amba baxday Garoonka Sharm El Sheikh, 17 ka mid ah rakaabkii la socday diyaaradaasi ayaa ahaa carruur.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Wadanka Ruushka oo tacsi u diray qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha ayaa wuxuu balan qaaday in baaritaan lagu samaynayo sababta keentay in diyaaradani ay soo dhacdo.

Dhanka kale garabka Ururka Daacish ee Gobolka Saxaraha ah ee Sinai ayaa sheegtay inay iyagu ka dambeeyeen soo dhicista diyaaradda laga leeyahay dalka Ruushka, uguna aargudayaan dadka uu dalka Ruushka ku laynayo magaalooyinka dalka Suuriya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada