daajis.com:- Madaxweynaha Cusub ee Tanzania, John Magufuli, ayaa loo dhaariyay xafiiska madaxtinimada Qamiistii shalay, inkastoo weli uu muran ka taaganyahay doorashadii uu ku guuleystay ee dalkaasi ka qabsoontay 25kii bishii October ee la soo dhaafay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Mr. Magufuli iyo ku xigeenkiisa – Samia Suluhu Hassan oo noqotay, haweeneydii ugu horeeysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqota dalkaas, ayaa lagu hor dhaariyay dadweyne fara badan oo daawanayay – garoonka Uhuru Stadium ee caasimadda dalkaasi Tanzania ee, Dares Salaam.
Khudbad gaaban oo uu jeediyay Madaxweyne Magufuli wuxuuu balan qaaday inuu howl adag u galayo sidii uu u fulin lahaa dhamaan waxyaabihii uu balanqaaday intii aan la dooran, wuxuu ka codsaday dadka reer Tanzania inay midoobaan, isagoo sheegay inay dhamaantood wada guuleysteen maadaama doorashadu ay ku dhacday si nabdoon.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have
