Dagaal khasaare badan dhaliyay oo Afgaanistaan ku dhexmaray garabyo ka tirsan ururka Talibaan

Dagaal khasaare badan dhaliyay oo Afgaanistaan ku dhexmaray garabyo ka tirsan ururka Talibaan

daajis.com:- Kooxda Daalibaan ayaa ku dagaallamay qaybo ka mid ah dalka Afganistaan oo ay ka dhisan yihiin, kaddib markii uu soo dhex-galay muran dhanka hoggaanka ah oo soo dhex-galay kooxda.

Dagaal culus oo kooxdan ku dhexmaray gobolka Zabul ee dalka Afgaanistaan; iyadoo la sheegay inay isaga dileen qiyaastii 80-qof, halka ay isaga dhaawaceen in ka badan 50-qof oo kale, kuwaasoo dhammaantood ka tirsanaa xoogagga Daalibaan.

Guddoomiyaha gobolka Zabul, Mohammad Anwar Ishaqzai ayaa warbaahinta u sheegay in garabka uu hoggaaminayo Mullah Mohamed Rasool oo ka mid ah kooxda ay ku dhawaaqeen inay ku biireen kooxda ISIL, ayna iyagu yihiin hoggaanka Daalibaan, halka garabka kalena ay tallaabada garabkan kasoo horjeesteen.

Sidoo kale, garab ka mid ah Daalibaan ayaa Mullah Rasool u doortay toddobaadkii lasoo dhaafay hoggaamiyahooda, kuwaasoo sheegay inay diiddan yihiin inuu hoggaamiyo Mullah Akhtar Mansoor oo ah hoggaamiyaha garabka kale.

“Kooxda uu hoggaaminayo Mullah Rasool ma doonayaa inay ka mid ahaadaan oo keliya Daalibaan, balse waxay doonayaan inay ka mid noqdaan xitaa kooxda ISIL,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda Afgaanistaan oo Masuur kusoo koobay magaciisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada