daajis.com:- Dagaal qasaaro kala duwan dhaliyay oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeesan iyo Ciidamada Maamulka Puntiland ayaa ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay Qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Maleeshiyada hubeesan ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen xaruntii howlaha guud iyo Gaadiidka ee Magaalada Gaalkacyo, xaruntan ayaana dhawaan laga saaray dadkii degnaa waxaana la wareegay Maamulka Puntiland.
Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dad gaaraya 10-qofood ay ku jiraan dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamay.
Taliyaha ciidanka birmadka Puntland ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Gibi-Gibi, ayaa sheegay in maanta weerar kusoo qaadeen ciidankooda maleeshiyada uu hogaaminayay nin sheeganayay in isagu lahaa dhulka ay dhawaan la wareegtay Maamulka Puntiland.
Taliyaha ayaa xusay in Ciidamada maamulka Puntiland ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah maleeshiyaadkii maanta weerarka kusoo qaaday xarunta ay degnaayeen Ciidamada Maamulka Puntiland.
Maamulka Puntiland ayaa dhawaan Waqooyiga Magalaada Gaalkacyo dhul danguud ahaa oo kuyaalay waxa ay ka saareen dadkii halkaasi mudo sanado ah kunoolaa, waxaana dhulkaasi la wareegay Maamulka Puntiland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:36 and have
