Dowladda Islaamiga ah Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weeraradii Lagu Qaaday Magaalada Paris.

Dowladda Islaamiga ah Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weeraradii Lagu Qaaday Magaalada Paris.

daajis.com:- War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Islaamiga ah ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda weeraradii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay ka dhacay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska. 

Dowladda Islaamiga ah waxay sheegtay in weerarkan uu ahaa mid loogu aargudayay sharafka Nabi Muxamed Sallallaahu Caleyhi Wasalama iyo muslimiinta ay diyaaradaha Faransiiska ku xasuuqayaan caalamka Islaamka.

Bayaanka oo ku qornaa luqadaha Carabiga iyo Faransiiska ayaa lagu faah faahiyay khasaarihii ka dhashay weerarada Paris oo gaaraya dhimashada 200 oo qof iyo dhaawac intaasi ka badan.

Dowladda Islaamiga ayaa xaqiijisay in weerarada Paris ay ku fuliyeen 8 dagaalyahano Mujaahidiin ah kuwaasi xirnaa suuman walxaha qarxa lagasoo buuxiyay sidoo kalane watay qoryo gacmeedyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada