Dagaal Saakay Markale dib uga Qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo Meelxun Maraya..

Dagaal Saakay Markale dib uga Qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo Meelxun Maraya..

daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay markale uu dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kan Puntland uu dib uga qarxay qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo.

Wariye kusugan Magaalada Gaalkaco ayaa sheegay in dagaal culus uu saakay ka socdo qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo, dagaalka ayaana qarxay kadib markii Ciidamo katirsan Maamulka Puntland ay saakay soo galeen Suuq kuyaal xadka ay labada Maamul wadaagaan.


Labada Ciidan ayaa is dhaafsanaya rasaas culus, iyadoo daryanka rasaasta laga maqlayo gabi ahaanba Magaalada Gaalkacyo.

Walina si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan saakay dib uga qarxay Magaalada.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo ay ku mashquulsan yihiin xalinta Xiisada ka dhextaagan labadan Maamul.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada