Dumarka Soomaliyeed oo Noqday kuwa ugu Qurxda Badan Africa Halka Labaad uu Galay Dalka Djibouti.

Dumarka Soomaliyeed oo Noqday kuwa ugu Qurxda Badan Africa Halka Labaad uu Galay Dalka Djibouti.

daajis.com:- Sida uu lagu daabacay shabakada starrfmoniline.com dumarka ku nool dalalka Somaliya,Djibouti iyo Ghana ayaa ah kuwa ugu quruxda badan wadamada qaarada Afrika.

Shabakadan ayaa qortay in haweenka Ghana ay noqdeen kuwa saddexaad ee ugu quruxda badan Afrika marka loo fiiriyo codbixin ay shabakadu samaysay taasoo haweenka Soomaaliyeed ay ugu sare mareen halka dalka Djibouti ay hablahoodu ka galeen kaalinta labaad, waxayna codbixintan u aqoonsatay haweenka Soomaaliyeed kuwa ugu quruxda badan qaarada Afrika.

Marka laga soo tago dalka Ghana oo kaalinta saddexaad galay ayaa waxa ay wadamada kale ay u kala hormareen sidan Egypt, Eritrea, Ethiopia, Morocco, Kenya, Kenya, Rwanda iyo Seychelles waxaana wadanka ugu hooseeya ee kaalinta 54aad uu noqday dalka Jamhuuriyada Bartamaha Afrika.

Inkastoo dalka CAR uu codbixintan ka galay kaalinta ugu hooseysa ayaa hase ahaatee waxaa ku jira tobanka dal ee ugu hooseeya dalalkaRepublic of Congo, 53; Swaziland, 52; Guinea Bissau, 51; Burkina Faso, 50; Equatorial Guinea, 49; Lesotho, 48; Malawi, 47; Chad, 46 iyo Democratic Republic of the Congo (DRC), 45.


Codbixintan ayaa waxaa laga sameeyay dad booqday bogga shabakada samaysay taasoo sawiro muujinaya haweenka qaarada Afrika lagu soo bandhigay iyadoo inta tiri ‘like’ ama ‘dislike’ ay ahayd tirada la tiriyay. Waxaana sida muuqata ugu badnaa haweenka dalka Soomaaliya dadka booqday ee gujiyay ‘like’.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada