Garoonkii ay ku ciyaari lahaayeen Xulalka Germany iyo Holland oo lagu kala cararay (Warbixin+Sawirro)

Garoonkii ay ku ciyaari lahaayeen Xulalka Germany iyo Holland oo lagu kala cararay (Warbixin+Sawirro)

daajis.com:- Waxaa Goordhaw oo caawa ah shaaca laga qaaday in la Kansalay ciyaartii caawa Garoonka Kubada Cagta ee HDI Arena ee Magaalada Hannover ku wada ciyaari lahaayeen Xulalka Qaranka Germny iyo Holland kadib markii cabsi lasoo daristay ciyaartaasi.

Garoonnka Kubada Cagta ee HDI Arena ayaa si deg deg ah looga saaray taageerayaashii usoo xaadiray in ay daawadaan Ciyaartii dhax mari laheed Xulalka Qaranka Germany iyo Holland kadib markii Garoonka lagu arkay waxyaabo qaraxyo loo maleeyay.

Kulankan ayay ka soo qayb galaysay ra’sal wasaaraha dalka Jarmalka ee Angela Merkel, waxaana daawashada kulankan ka soo qaybgalayay 49,000 kun oo qof balse cabsi garoonka laga dareemayay iyo waxlo loo maleeyay in ay yihiin kuwo qaraxyo loo qorsheeyay ayaa keentay in garoonka dadka laga saaro isla markaana gabi ahaanba la meesha laga saaro kulankii Germany iyo Holland dhex mari lahaa.

Booliiska Germany ayaa durba baaritaano deg deg ah waxa ay ku sameeyeen Garoonka HDI Arena halkaas ay ka baadigoobayeen waxyaabo qarxa oo looga shakiyay in lasoo dhigay gudaha iyo Banaanka Garoonkaasi.

Waxaa maanta horey loo kansalay Ciyaartii iyana caawa Dalka Beljimka ku dhax mari laheed Xulalka Spain iyo Biljimka kadib markii ay soo baxeen cabsi la xariirta in ay dhacaan weeraro ay geestaan kooxo katirsan Daacish.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada