daajis.com:- Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda, ayaa sheegay dableydii Shabaabka ka tirsaneyd ee Axadii weerartay Saxafi Hotel, inay kala garaneysay qaybaha uu ka kooban yahay Hotelkaasi.
“Nimankaa way deganaayeen Hotelka, way yaqaanayn qof kasta meeshuu degan yahay iyo cidii ay beegsanayeen.” Ayuu yiri General Yuusuf Maxamed Siyaad oo la hadlay Idaacada Maxaliga ah ee Shabelle.
Yuusuf Maxamed Siyaad, ayaa tibaaxay inaanan lagu xaqiijin karin amniga Caasimadda, sida uu yahay, ka db markii uu sheegay inaanay waxba soo kordhinayn dhegxaanta lagu jaray wadooyinka.
“Ammaanka Xamar sida uu hadda yahay waa mid si aad ah u adag, u mashquul badan, oo sidii lagu suggaa ay adag tahay. Xamar dhexdeeda in dhegaxyo la dhigo, jidna lagu gooyo, Hoteelo lagu wareejiyo, ma suggi karto amni.” Ayuu yiri Sarkaalka Militariga Somaliya ka tirsan.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri “Beer haddii biyo ku furmaan, beerta dhexdeeda lagama xiro ee waxaa biyaha laga soo xiraa webiga. Suggida amnigu waa in meelahoodu loogu taggo. Nimankaanu waa niman dadkii ku dhex jira.”
Sarkaalkan, ayaa ku waramaya in amniga Magaalada Muqdisho lagu xaqiijin karo, iyadoo ay wada shaqayn dhex marto dhammaan Ciidamada Dowladda, Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, isla-markaana ay iska warqabaan.
Indha Cadde, ayaa ummada Somaliyeed kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid Abaan Duulihii Hore Ciidanka Xoogga Dalka, General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), oo ku dhintay weerarkii Hotelka Saxafi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:37 and have

