daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Sheekh Yuusuf Xasan Jimcaale, waxa uu u magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Gudoomiyaha Cusub ayaana shalay si buuxda ula wareegay xilkaasi.
Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Madaxweyanah Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka ay qorsheenayaan in sidoo kale isbadal lagu sameeo qeybaha kala duwan ay maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan Gudoomiye kuxigeenada Gobolka.
Beesha Murusade oo Gobolka Banaadir ku leh Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobalka ayaa gudbisay Musharxiin dhoor ah oo la filayo in midkood badal u noqdo Gudoomiye kuxigeenka hada xilka haya hadii uu isbadalku saameeyo.
Musharixiinta Beesha Murusade gudbiyeen ayna la doonayaan Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ugu cad cad lana saadaalinayaa in uu kusoo bixi doono Shaqsi lagu Magacaabo Cabdi Raxmaan Macalin Xuseen oo kamid ah Qurbo joogta kunool Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.
Mudane Cabdi Raxmaan Macalin Xuseen ayaa inta badan Xildhibaanada Beesha Murusade iyo waxgaradka Beeshaasi ay isku raaceyn in uu buuxin karo booska Gudoomiye kuxigeenka Gobolka hadii uu isbadalku saameeyo Gudoomiye kuxigeenka hada sii shaqeenaya.
Ila Wareedyo ku Dhow Xafiiska Madaxwayanaha Soomaaliya ayaa Sheegaya in Waraaqdii lagu Magacaabi lahaa Cabdi Raxmaan Macalin Xuseen iyo Ku xigeenada kale ay Miiska Saarantahay Waxayna Wararku Sheegayaan In La Sugayo Saxiixa Madaxwaynaha Soomaaliya Waxaana Suuragal ah in Maalinta Jimcada lagu Dhawaaqo Dhamaan ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir .
Ugu Danbayntii Cabdi Raxmaan Macalin Xuseen ayaa wax kusoo bartay Dalalka Sudan iyo Masar, waxa uuna kamid yahay Shaqsiyaadka sida weyn ula socda xaalada Siyaasadeed ee dalka ka jira, waxaana la filayaa in uu wax badan ka badalo Gobolka Banaadir hadii uu kusoo baxo Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir.FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:30 and have




