Daawo Sawirada :- Kooxda Boka Haram oo yeelatay Warshad ay hubka ku sameestaan !!!

Daawo Sawirada :- Kooxda Boka Haram oo yeelatay Warshad ay hubka ku sameestaan !!!

daajis.com:- Kooxda Boka Haram ee ka dagaalanta Waqooyiga bari Dalka Nageria ayaa soo bandhigtay warshad ay sheegeen in ay ku sameestaan hubka gaar ahaan gantaalada iyo qorayga loo yaqaano Baasuukaha ama RBG.

Sawiro ay kooxda ku shaaciyeen Baro ay Internetka ku leeyihiin ayaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah dagaalyahanada kooxdaasi oo ku mashquulsan sameynta hubka gaar ahaan Qorayga garbaha laga rido ee RBG.

Dadka wax falaqeeya waxa ay sheegayaan goobta gantaalada lagu sameeyo ay u muuqato inay tahay Bama, oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Nigeria oo ah deegaan ay dhowaantan Boko xaraam dib u qabsatay.


Mid ka mid ah qalabka ay isticmaalayaaN kooxda Boka Haram waxaa ka muuqda magac la soo gaabiyay oo ah dugsiga Farsamada dowladda ee Bama (GTCB), mana sheegin kooxda halka ay ka heleen agabk ay u isticmaalaan sameynta hubkan.

Kooxda Boka Haram oo horey u sheegtay in ay la midoobeen Kooxda Daacish ayaa awood badan ku leh Waqooyiga Dalka Nageria, waxa ayna kooxdan halkaasi ka geestaan weeraro u badan qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaal ay la galaan Ciidamada dowlada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada