Kenya oo ka nixisay shacabka ku dhaqan Garissa iyo Mandheera

Kenya oo ka nixisay shacabka ku dhaqan Garissa iyo Mandheera

daajis.com:- Booliska Kenya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay gudaha u soo galeen saddex ka mid ah Magaalooyinka Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Afhayeenka Booliska Kenya, Charles Owino oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi, ayaa sheegay in dagaal-yahanada Al Shabaab ay galaangal u yeesheen inay gudaha u soo galaan Wajeer, Mandheere & Garissa.

“Sida ay ogaadeen hay’adaha ammaanku waxaa jira dagaal-yahano ka tirsan Al Shabaab oo gudaha u soo galay saddex magaalo oo ka tirsan Kenya, waxayna kala yihiin Garissa, Mandheera iyo Wajeer.” Ayuu yiri Afhayeenka Booliska Kenya.

Afhayeenka, ayaa cadeeyay in xoogaga amnigu ay ku daba jooggaan raggaasi, si looga hortaggo in ay weeraro ka fuliyaan goobo ka mid ah Magaalooyinka uu sheegay in ay soo galeen Xoogaga Al Shabaab.

“Laamaha ammaanka ayaa ku daba joogga sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Xoogagaasi, loogana hortaggi lahaa inay weeraro ka gaystaan Magaalooyinka Garissa, Mandheera iyo Wajeer.” Ayuu yiri Charles Owino.

Owino, ayaa yiri “Anagoo xogtaasi la wadaageyno shacabkeena, ayaa waxaan ku wargelineynaa in xoogag Al Shabaab ka tirsan ay gudaha ugu jiraan Magaalooyinkaasi.”

Kenya, ayaa sanadihii ugu dambeeyay u nugleyd weeraro xiriir ah oo kaga imaanaayay Ururka Al Shabaab, ka dib markii Ciidanka Militariga Kenya ay gudaha u soo galeen muddo afar sano laga jooggo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada