Gudoomiyiha Gobolka Hiiraan oo ku xiran Xaruunta Nabadsugida Muqdisho ee

Gudoomiyiha Gobolka Hiiraan oo ku xiran Xaruunta Nabadsugida Muqdisho ee

daajis.com:- Warar hoose oo ay heshay shabakada Warfaafiye.com, ayaa xaqiijinaya in Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xuseen Afrax uu haatan ku xiranyahay xaruunta Nabadsugida Habar Khadiijo ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha oo loo haysto kiiska dilka Sarkaal u shaqeeynayay Hay’ada Miino Baarista QM ee Main Action, ayaa shalay galab Diyaarad qaas ah waxay kasoo qaaday magaalada Baladweyne iyadoona laga soo dejiyay garoonka Diyaaradaha ee Aadan Adde.

Wararku waxay sheegayaan in Gudoomiyaha haatan ay ku socoto baaris la xiriirta kaalinta uu ku leeyahay dilka Mahdi Xuseen Sheekhaal oo maalmo kahor lagu dilay Magaalada Baladweyne, taasoo xiisad ka dhex abuurtay magaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arintaan soo fara geliyay uu amray in kiiskaan loosoo wareejiyo magaalada Muqdisho, waxaana uu u xilsaaray oo gacanta ku haaya Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.


Waxgaradka iyo Odoyaasha reer Hiiraan, ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh ugu baaqay inuu xilka ka qaado Gudoomiye Cabdi Fitaax Xuseen Afrax.


Xigasho:- Warfaafiye.com, FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada