Deg Deg: Dagaal u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland oo ka qarxay Gaalkacyo

Deg Deg: Dagaal u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland oo ka qarxay Gaalkacyo

daajis.com:- War goordhow naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in halkaas uu kasocdo dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa markii hore ka bilowday saldhiga dhexe ee Galkacyo, waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha dhabta ah ee uu dagaalku ku bilowday.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii la sheegay in xuduuda ay wadaagaan Maamulada Galmudug iyo Puntland ee Magaalada Gaalkacyo oo ay joogeen Ciidamo ka tirsan Puntland ay Weerar ku qaadeen Maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda Maamulka Galmudug, iyadoo markii dambe ay ku soo biireen Ciidamada Booliska Galmudug.

Labada dhinac ayaa isu adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada