Libya: Mareeykanka oo duqeyn ku dilay mid kamid ah hogaamiyaasha ISIS

Libya: Mareeykanka oo duqeyn ku dilay mid kamid ah hogaamiyaasha ISIS

daajis.com:- Dowladda Maraykanka ayaa weerar duqeyn ahaa ku dilay nin la aaminsan yahay in uu ahaa hogaamiyaha kooxda Daacish ee dalka Liibiya.

Afhayeen u hadlay aqalka gaashaandhiga ee Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in dhimashada Abu-Nabil ay wiiqi doonta in kooxda inay gaarto hadafyadii ay dalka Liibya ka lahayd.

Abu-Nabil oo ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa noqday sargaalka ugu sareeya ururka Daacish ee Liibiya, wuxuna horay u ahaa mas’uul sare oo ka tirsan Alqaacida.

Pentagon-ka waxa uu intaasi ku daray in duqaymaha Liibiya aan loo arki karin jawaab inay u yihiin weeraradii Paris ka dhacay balse la ansixiyay in duqaymahaasi la fuliyo ka hor dhacdadii Paris.

Kooxaha xagjirka ah ayaa dalka Liibiya ka bilaabay howlgaladooda bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada