Xildhibaanada ka tirsan BF ee hogaaminayo Mooshinka ka dhanka ah Kenya

Xildhibaanada ka tirsan BF ee hogaaminayo Mooshinka ka dhanka ah Kenya

daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay shalay kulan ballaaran ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominaayay, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoona ay ku wehlinayeen Ku Xigeenadiisa.

Qaraarkan oo ka kooban lix qodob, ayaa waxaa soo diyaariyay Guddiyada Arrimaha Dibadda iyo Gudaha ee Baarlamaanka Somaliya, waxaana Xildhibaanada u akhriyay Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Lixda qodob ee qaraarku uu ka kooban yahay

1- In Xukuumadda ay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe, Ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub weydiisato, sidii Ciidanka Kenya looga saari lahaa dhulka Somaliya iyo hawlgalka Amisom, laguna bedelo ciidan dal kale ka socdo.

2- In Kenya ay ka fogaato burburinta iyo tirtiradda caalaamadaha xuduudihii ay dhigeen dowaladihii isticmaarka ee u dhaxeeyay labada dal.

3- In Kenya ay joojiso dhismaha derbiga si deg deg ah.

4- In Kenya ilaaliso xiriirka walaaltinimo iyo saxibtinimo ee ku saleysan deris wanaagga.

5. In la baajiyo xasaradaha iyo dhibaatooyinka ka abuurmi kara sii wadida dhismaha sharci darrada ah.

6. Si loo abuuro jewi ku dhisan kalsooni iyo is aaminaad in muddo kooban gudaheed, dowladda Kenya kala baxdo ciidameeda guud ahaan Somaliya.

7. Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo wixii intaa ka dambeeyay Xildhibaanada ugu baaqay inay u codeeyaan qaraarkaasi, haddii lagu dhaqaaqi lahaa iyo haddii kalaba, ayay cod aqlabiyad leh ugu codeeyeen in lagu dhaqaaqo.

8. Qaraarkan, ayaa waxaa u codeeyay 160 Xildhibaano, iyadoo laba oo keliya ay diiday. Qaraarkan ayaa noqonayo mid sharci ah, sida uu ku dhawaaqay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada