daajis.com:- Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa, kadib markii ay casuumaad ay ka heleen dowladda Itoobiya.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom, waxayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka Dowlada Itoobiya iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, gaar ahaan xoojinta Ammaanka iyo Ganacsiga.
Kulankaan markii uu dhamaaday ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo sheegay inay Itoobiya muhiimad gaar ah u leedahay dowlad goboleedka Galmudug, waxaana uu soo dhoweeyay booqashada markii ugu horeysay Madaxweyne Guuleed ku yimid dalka Itoobiya.
Sidoo kale Madaxwene Guuleed oo isna la hadlay saxaafada ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid muhiim ahaa, isagoo xusay inay isku afgarteen laguna gorfeeyay xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan Ammaanka iyo Ganacsiga.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulamo la yeesho Madaxda dowladda Itoobiya, waxaana booqashada uu ku joogo Addis Ababa ay tahay tii u horeysay oo uu ku tago tan iyo amrkii afartii bishii July lagu doortay magaalada Cadaado.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at