Madaxweynaha oo ka qeyb galay salaada Janaasada ee Abaanduulihii Ciidamada xoogga dalka

Madaxweynaha oo ka qeyb galay salaada Janaasada ee Abaanduulihii Ciidamada xoogga dalka

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo saraakiil ayaa maanta ka qeyb galay salaada janaasada ee Meydka Abaanduulaha hore ee Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan oo shalay ku geeriyooday weerarkii Hotel Saxafi.

Meydka Marxuum Dhega-badan ayaa salaadii Janaasada lagula dukaday Masjidka Shuhadaa ee ku yaalla Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana Madaxweynaha uu u tacsiyadeeyay qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumka.

Jen. Dhega-Badan ayaa lagu xusuustaa howl galadii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee looga saaray sanadihii 2011 ilaa 2012 magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka ku yaala koofurta Soomaaliya.

Meydka Jen. Dhega-badan ayaa loo duuliyay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo uu ka soo jeeda, waxaa Meydkiisa lagu qaaday diyaarad gaar ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeyb gashay salaada janaasada ayaa u tacsiyadeeyay qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Jen. Dhegabadan oo ay sheegeen in lagu xusuusto guulihii ay ka soo hoyeen dagaalada


Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay subax lagu qaaday Hotelka Saxafi, waxaana dabley hubeysan ay gudaha u gashay markii qarax baabuur loo adeegsaday lagu furtay albaabka hore ee Hotelka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay subax lagu qaaday Hotelka Saxafi, waxaana dabley hubeysan ay gudaha u gashay markii qarax baabuur loo adeegsaday lagu furtay albaabka hore ee Hotelka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada