Mid kamid ah Hoteelada Muqdisho oo lagu qabtay nin xiran xijaabka dumarka

Mid kamid ah Hoteelada Muqdisho oo lagu qabtay nin xiran xijaabka dumarka

daajis.com:- Ciidanka ilaalada ee hotel Wehliye ayaa caawa qabtay oo gacanta ku dhigay sadex rag ah oo mid ka mid ah uu xirnaa labiska dumarka sida Goono, xijaab iyo Indhashareer.

Maamulaha Hoteelka ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay qabashada raggaasi, isagoo xusay in ciidamadu ay ka shakiyeen kaddibna ay qabteen sadexdaasi nin oo mid ka mid ah uu qabay labiska haweenku xirtaan.

downloadDhinaca kale maamulaha ayaa sheegay iney raggaasi ku wareejiyeen ciidamada amniga gaar ahaan kuwa hey’adda nabadsugidda Qaranka.

Raggaasi ayuu tilmaamay iney ku tuhmayeen iney ka shaqeeynayeen falal amni darro ah, inkastoo uu xusay ineysan raggaasi ku arkin wax hub ah markii ay baareen.

Ciidamada ammaanka ayaa dhowr kol oo hore qabtay rag soo xirtay labista haweenka, kuwaasoo la rumeysanyahay ineey maleegayeen falal ka dhan ah amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada