Muqdisho: Xubno Kasocda Somaliland oo qeyb ka ah wadatashiyada 2016

Muqdisho: Xubno Kasocda Somaliland oo qeyb ka ah wadatashiyada 2016

daajis.com:- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda woqooyiga Soomaaliya ama Somaliland.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in qabiilada  dega gobollada waqooyi ay qayb ka yihiin barnaamijka dhageysiga aragtida dadka Soomaaliyeed ee muddooyinkii dambe ay xukuumadda wadday.

“Wadatashiyada 2016-ka waxaa loo qabanayaaa dadka Soomaaliyeed oo dhan, dadka dega waqooyiga Soomaaliya ama Somaliland waxa ay qeyb ka yihiin dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.


Maxamed Cumar Carte waxa uu sheegay in dadkii uu kula kulmay Muqdisho ee kasoo jeeday waqooyiga ay muujiyeen dareen wanaagsan oo ku wajahn hiigsiga 2016-ka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa dhinaca kalena sheegay in xukuumadda ay dardar gelin doonto wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa uu sidoo kale wareysigan uga hadlay dagaallada maamullada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray magaalada Gaalkacyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada