Taliyaha ciidamada xoogga oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo: Sawirro

Taliyaha ciidamada xoogga oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo: Sawirro

daajis.com:-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, AMISOM iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Garoonka waxaa kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah saraakiisha AMISOM ee halkaasi ku sugan, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidankii soo dhoweeyey.

taliyecidankismayoArrimaha ay magaaladaasi u tageen ayaa qeyb ka ah horumarinta ciidamada xoogga dalka iyo dar dar galinta howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa loo gelbiyay Madaxtooyada Kismaayo, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

taliyecidankismayo1Sidoo kale Taliyaha ciidamada xoogga dalka Maxamed Aadam ayaa kormeer ku sameeyay gaadiid cusub oo dhowaan loo keenay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 43-aad.

Waxaa uu Taliyaha sheegay in gaadiidkan ay qayb ka qaadan horumarinta dhismaha Ciidamadda Xoogga dalka, isagoo ku boggaadiyey saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka sida ay uga go’an tahay in la dhiso Ciidan Qaran oo Soomaali oo dhan ka kooban.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada