daajis.com:- Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa caawa xilkii ka qaaday labo wasiir, isla markaana xilalkooda ku bedelay labo kale.
Wasiirada xilalka laga qaaday ayaa waxay kala yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Cabdiraxmaan Cabdi Cusmaan iyo Wasiirka Korontada iyo Biyaha Maxamed Axmed Shaahiyow.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilalka labadaasi wasiir badalkooda loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/llaahi Maxamed Axmed iyo Wasiirka Korontada iyo Biyaha oo loo magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horay u ahaa Safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha qorsheynayo in isku shaandheynta Golaha Wasiirada ay bilow tahay isla markaana ay saameyso isku shaandheynta wasiiro dhowr ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:58 and have

