Nairobi: Booliska Kenya oo xir xiray Soomaali badan

Nairobi: Booliska Kenya oo xir xiray Soomaali badan

daajis.com:- Taliyaha ciidamada Booliska dalka Kenya Japheth Koome wuxuu sheegay dadka la soo qabtay 30 ruux inay yihiin Somali, halka saddexda kalena ay yihiin dadka kasoo jeeda Koonfurta dalka Sudan.

Dhamaan dadkaan ayaa waxaa lagu haystaa inay si sharcidaro ah ku joogeen dalka Kenya oo aysan haysan Waraaqaha joogitaanka Kenya.

Japheth Koome Taliyaha Booliska Nairobi ayaa sheegay in dadkaasi ay ka soo muuqan doonaan maxkamada magaalada Nairobi, isagoo intaasi raaciyay in seddex kamid ah dadka laga shakiyay ay u dhasheen dalka Sudan-ta koofureed.

“Haddii halkaan uu joogo qof qaxooti ah oo uusan heysan warqada ogolaanshaha waa dambiile, dadkaasi ha is diiwaan geliyaan sababtoo ah ciidamada ammaanka ma siinayaan wax fursad ah mar haddii ay qabtaan”ayuu yiri taliyaha.


Wixii ka dambeeyay weerarkii Paris ka dhacay Jimcihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada