Shariif Xasan oo war kasoo sheegay siyaasiyiinta u dhalatay Koofur Galbeed

Shariif Xasan oo war kasoo sheegay siyaasiyiinta u dhalatay Koofur Galbeed

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh. Adan oo muddada uu xilkaasi hayo sanad jirsatay ayaa sheegay in Dadka ka soo jeeda Gobollada Koofur Galbeed ay ka gaabiyeen in ay talo wanaagsan siiyaan maamulkiisa lana shaqeeyaan.

Shariif Xasan waxaa uu sheegay in ddka ay u maleynayaan in Shariifka iyo inta taageerto kaliya ay wataan maamulka Koofure Galbeed,waxaana uuintaa raaciyay in Maamulkiisa uu waayay Siyaasiyiin ka soo jeeda koofur Galbeed oo ka qeyb qaadata dhismaha iyo dhameystirka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ee uu isaga madaxweynaha ka yahay.

Waxaa uu sheegay in Sanad kadib Golaha Wasiirrada maamulkiisa lala xisaabtamayo,wasaarad walibana la weydiinayo wixii u qabsoomay,waxa aan u qabsoomin iyo caqabadaha ay la kulantay,waxaana uu intaa raaciyay in 3-da Maarso ay isugu yeeri doonaan golaha wasiirrada maamulkiisa si su’aalo looga weydiiyow ax qabadkooda.


Shariif Xasan waxaa uu sheegay in ay jiraan dad dadaal badan oo ku jira Koofur galbeed,waxaase uu sheegay in Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofur Galbeed ay ka gaabiyeen ka qeyb qaadashada maamulkiisa oo uu sheegay in ay u siman yihiin dadka Koofur Galbeed ka soo jeeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada