daajis.com:- Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab iyo Hub farabadan oo ay wateen.
Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in Al-shabaabka la qabtay ay gaarayaan ilaa 8 kuwaasi oo xiliga la qabanaayay gacanta kula jiray fal argagixisnimo.
Maleeshiyaadka gacanta lagu dhigay ayaa waxa ay ku hubeysnaayen 7 qori iyo rasaas ay sheegeen inay ku fulin jireen weerarada.
Maleeshiyaadka iyo Hubkooda ayaa waxaa lagu qabtay howlgal ka dhacay Keymaha Boni ee Magaalada lamu ee dalka Kenya.
Madaxa howlgallada Boni James Ole Serian ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen Hub kale oo lagu qarinayey keymaha deegaanka Pandaguo oo ku dhaw xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Somalia.
Waxa uu Mr james Ole sheegay in ay baarayaan in hubkaasi Al-shabaab ay si qarsoodi ah halkaasi u soo galiyeen si ay weeraro uga fuliyaan iyo in ay horay ugu adeegsadeen weeraro ay ku qaadeen deegaano ka tirsan Magaala xeebeedka lamu.
Dhanka kale, Howlgalka Boni oo ay ka qayb galayaan Ciidamada Ammaanka ee dalka Kenya ayaa Bishii Septemper ee sanadkaan ka bilowday keymaha Boni halkaasoo ay dowladda Kenya ku sheegtay in ay ku dhuumaleystaan dagaalyahanada Al-shabaab.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at