War Farxad leh oo taariikhi ah Daawo Video Safarada Soomaaliya ee Maraykanka oo 24 Sanno Saaka Dib loo Furay VIDEO

War Farxad leh oo taariikhi ah Daawo Video Safarada Soomaaliya ee Maraykanka oo 24 Sanno Saaka Dib loo Furay VIDEO

daajis.com:- Waxaa dib loo furay Safaarada Soomaaliya ee ku lahayd dalka Maraykanka 24 Sanno ka dib, Munaasabadani oo lagu qabtay Magaalada Washinton ayaa waxaa qeyb galay, Wafdi ka socday dowlada Soomaaliya oo uu horkacayey Wasiirka Arimaha Dibada Cabdi Salaan Hadliye, Safiiro iyo Wasiiro hore oo ka tirsanaa Xukumadihii KMG ahaa, Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Kaaliyaha Arimaha dibida ee dalka maraykanka u qaabilsan arimaha Africa, Mudanaha laga soo doorto gobolka Minnesota kana tirsan Aqalka Wakiilada Maraykanka, Jaamacada Carabta iyo Waliba in ka badan 25 Safiir oo ka kala socday Safaaradaha Wadamada Carabta iyo Afrika kuwaasi oo Saaxiib dhaw la ah Dowlada Federaalka Soomaaliya. Waxaa Sidoo kale ka qeyb galay isla markaana Muujiyey wadaniyadnimo Jaaliyada Soomaalida oo ka kala yimid Guud ahaan inta badan Gobolada dalka Maraykan iyo Canada iyagoo ka ka qeyb qaatay dib u furida Safaarada Soomaaliya ee Washinton.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo aalada Muuqaalada la iska arko kala hadlay diblumaasiyiintii iyo jaaliyadii ka qeyb gashay Dib u furitaanka Safaarada Soomaaliya ee Washinton, Wuxuuna arintani ku tilmaamay in ay tahay Arin Taariikhi ah oo muujinaysa Xiriirka Xoogan ee labada dal u dhaxeeya isagoo u mahad celiyey madaxweynayaashii hore ee dowlada Maraykanka iyo madaxweynaha hada jira ee Barack Obama sida ay ugu caawiyeen marxaladihii adkaa ee dowlada Soomaaliya soo martay……


Intaasi ka dib waxaa loo soo baxay Banaanka dhex bartanka Magaalada Washinton halka ay Safaarada Soomaaliya kaga taal waxaana la suray Calanka Soomaaliya iyagoo is garab taagan yihiin, Kaaliyaha Arimaha dibida Maraykanka ee arimaha Africa, Mudane Ka tirsan Aqalka Wakiilada Maraykanka, Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxana marqura yeertay Sawaxan, Alalaas, Sacab waxaana xigtay heesta Calanka Soomaaliya

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada