daajis.com:- Kooxo careesan ayaa mar kale waxa ay weerar ku qaadeen Dukaan boogaagta lagu iibiyo oo lagu magacaabo ISIS BOOKS & Gifts, oo kuyaala magaalda Englewood ee gobolka Colorado ee carriga Mareykanka.
Weerarka lagu qaaday Dukaankan ayaa sabab looga dhigay in uu wato Magaca Kooxda Islaamiga ISIS ee ku xoogan Wadamada Ciraaq iyo Siiriya, waxaana dadkii Weeraray Dukaanka ay bur buriyeen boorka dukaankaasi.
Milkiilaha Dukaanka Buugaagta lagu iibiyo ee ISIS Jeff Harrison, ayaa sheegay sababta dukaankiisa loo soo weeraray in ay tahay magaca uu wato awgiis, waxa uuna tilmaamay in marnaba uusan badaleyn Magaca dukanakiisa.
Jeff Harrison, ayaa xuay in dukaankiisa aysan Argagaxiso laheyn ,Magaca uu watana uu kasoo qaatay Luuqada Gres-ka, oo ISIS loola jeedo Micnaha Ilaahey.
Dukaankan Buugaagta lagu iibiyo ayaa Weerarka lagu qaaday noqonaya kii Shanaad oo lagu qaado laguna bur buriyo qeybo kamid ah Dukaanka, weerarkii ugu dambeeyay ayaana dhacay maalmo kadib weerarkii lagu qaaday Magaalada Paris.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:59 and have
, Published at